"Waa Markii ugu horreysey ee Soomaaliya ka maqlo War fiican"

Muqdisho (RH)- Telefishanka Al Jazeera English ayaa warbixin ka samaysay isbedellada dhanka dhismaha iyo horumarka ka soconaya Muqdisho,Warbixinta ayaa diirada saartay dhismayaasha dhaadheer ee muqdisho ka socda in aanay caawinayn Noloshada dadka, iyadoo kirada guryuhu ay qaali sii noqonayaan .

Lknse dad badan oo ajaanib ah oo ka faallooday Warbixinta Dhismayaasha Muqdisho ayaa iyagu la yaabay in nolol iyo Dhismayaal noocaas ah ay somalia ka jiraan ,qaarkood waxy yiraahdeen sidan .

Mc Neithan Pro”Haddii dalkoodu uu sidaa u qurxan yahay isagoo ay dagalo kajiraan, ka warran marka ay nabad buuxda helaan?”

AllanSayenda”Waa markii iigu horreeysey ee aan abid wacaal wanaagsan ka maqlo Somalia. Dhac, dagaal iyo burcad badeed ayaan ku maqli jirey Somalia,Waxaan jeclahay inaan maqlo Afrika oo soo kabanaysa. Waagii hore war murugo leh oo Muqdisho ka yimid ayuun bay ahayd. Ilaahay ha barakeeyo Afrika, gurigeyga qaaraddeyda "

Maxwell Obi "iyadoo wadankoodu sidan u qurxoon yahay soomaali badan oo halkan Yurub jooga ayaa yiraahda dalkeenii waa holcayaa oo dhib ayaa kajirta "

Bruce Mwelase " Warkii ugu horreeyay ee Soomaaliya aan ku farxo weeye . Waan ognahay meelo qurxoon inay somalia leedahay, laakiin Warbaahinta Shisheeye ma muujiso bilicda dalkan. Waxay muujiyaan argagixisanimo, dagaal hore, xag-jirnimo, iyo abaar keliya. Waxay la mid tahay dalalka kale ee Afrika, horumarinta hantida iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa ku soo badanaya Soomaaliya iyo Afrika oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, Qiimaha Guryaha waa in wax laga beddelo "

Eskinder Redwan " Waxaan ahay Itoobiyaan waana ogahay inay Soomaalidu tahay dad howl badan, waxay Afrika ka noqon karaan awood jirta, balse waa in la muujiyaa dhinac san ee Muqdisho. Waxaan idiin rajaynayaa nabad iyo baraare.”

Zayn ”Waxaa yaab leh in qayb-guri Muqdisho ku yaalla lagu la’yahay $700 oo Doollar, halka lacagtaas guri looga ijaaran karo Manhattan, New York, waana ogtihiin farqiga u dhexeeya GDP-ga labada magaalo.”

Joseph ”Oo haddii ay Muqdisho sidan u qurxoon tahay waa maxay abaarta dalkaa laga sheegayaa may isku fillaadaan?!”

Real Hope " Reer Galbeedka waxaa lagu eedeeyaa inay iyagu abuuraan jabhado oo ay hubeeyaan,si ay xasilooni darro uga abuuraan dalalka Afrika, ugu dambeyntiina ay uga faa’iideystaan ​​in ay xadaan kheyraadkooda dabiiciga ah, weligey war wanaagsan kama maqlin Soomaaliya dhowr iyo toban sano marka laga reebo cunto yari iyo weerarro argagixiso ,laakiin waxaan wada ognahay in reer galbeedku dhibtaas oo dhan iyagu huriyeen ,Waxaan ku faraxsanahay inaan arko qarankan somalia oo soo kabanaya "

Shem Marube " Eastleigh tag, waxaad arki doontaa howlkarnimada iyo daacadnimada Soomaalida. somalia Waxaan idiin rajaynayaa guul. Afrika oo dhan baa idinka macaashi doonta, marka aad cagihiinna isku taagtaan.”

Warbixinta Al-Jazeera ayaa Ciwaan looga dhigay " Somali real estate boom gives Mogadishu residents money headaches " See less
 

W/Q: Cabdirisaaq Jubba

Category