Wararkii ugu dambeeyay ee loolanka Farmaajo iyo Rooble

WASHINGTON (RH) —Raisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xussein Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka Amniga Xassan Xundubeey Jimcaale, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdullahi Maxamed Nuur, oo ah siyaasi ka mid ah xubnaha mucaaradka, kana tirsan xildhibaanadda Baarlamanka Federalka.

Arrintan ayaa xiisadda cakisay khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareeya dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xil ka qaadista wasiirka amniga aysan ku imaan sifo sharci ah ayna dhaqangali doonin.

Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha ayaa mid kasta cuksanaya qodob ku jira dastuurka kumeel gaarka Soomaaliya.

Khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha ayaa xildhibaannada baarlamaanku u arkaan in yahay mid jahwareerin kara xaaladda dalka, waxaana ay ku baaqeen in la muujiyo tanaasul.

Wasiirka amniga Xassan Xundubeey ayaa ka biyo diidey xilka qaadista Ra'isul Wasaaraha. Haddaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka yey tahay inay xal ka gaaraan?

Category