Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka baarlamanka ee berri

RH: Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Caasimadda Online u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka iyo dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u socday.

Waxaa jiro kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada daacadda u ah Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna ka hadlayaan jawabta ay ka bixin karaan haddii laga dalbado inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ah oo ay horey usoo saareyn.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaannada dalka ka maqan ka dalbaday in ay degdeg usoo laabtaan kahor 1-da May 2021 si ay qayb uga noqdaan go’aanka codka gacan-taagga ah ee uu Golaha Shacabka ku laalayo Sharciga Jiheynta oo 12-kii April 2021 Villa Hargeysa ku ansixiyay kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya soo jeedisay in waqti dheereysi labo sano ah uu qalinka ku duugo Baarlamaanka balse tallaabadaas waxaa kahor yimid QM, AU, EU, IGAD, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan.

Kulankaan oo ah mid indhaha lagu wado waxa uu fure u yahay fadhiga wadahadalka maadaama 28-kii April 21 uu soo baxay shaki ka dhashay in kulanka Golaha Shacabka la horgeynayo Mooshin degdeg ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya balse waxaa arrintaas jiritaankeeda beeniyay Guddoonka Baarlamaanka oo xaanshi uusoo saaray ku muujiyay wax kama jiraanka warkaas.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa go’aan weliba kadib dib ugu laabanayay Golaha Shacabka laga soo bilaabo July 2020 oo xilgaas ku beegan bilawgii shirarkii Dhuusamareeb ee sababta u ahaa in Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ay is afgartaan ilaa bishii September 2020 Muqdisho ku saxiixdaan heshiiska salka u ah arrimaha Doorashooyinka.

 

xigasho . Caasimada.net

Category