Warbixin ku saabsan xiisad colaadeed oo xalay ka jirtay Muqdisho

MOGADISHU (RH)—Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, kaddib markii xalay laga dareemay xiisad colaadeed, iyadoo laga cabsi qabay dagaal dhexmara ciidamo taabacsan taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadiq Cumar Maxamed (John) iyo Ciidamada dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa waan-waan ka billaabay dhinacyada Saadiq John iyo xubnaha sare ee dowladda Federaalka, waxaana ilo ku dhow madaxweyne Qoor-Qoor ay VOA u xaqiijiyeen in labada dhinac ay ka aqbaleen dejinta xiisadda.

Ilo kale oo codsaday inaan magacooda la sheegina ayaa Idaacadda VOA u xaqiijiyay in taliyihii hore lagu qanciyay inuu dib ugu soo laabto hoygii uu deganaa, lana siiyay damaanad la xiriirta ammaankiisa.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo ammaanka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xaaladda magaalada Muqdisho ay deggan tahay, isla markaana uu madaxweynaha Galmudug uga mahadcelinayo baajinta arrin uu ugu yeeray "Fowdo Siyaasadeed".

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Talaadadii dhammaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyay taliyihii hore booliska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq John, kaddiib markii uu Isniintii ka soo horjeestay muddo kororsigii Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay in madaxda dowladda inay dib ugu laabtaan shirka Afisyooni.

Saacado kaddib hadalkaas, ayaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Mxamed Xijaar waxa uu sheegay inuu xilka ka qaaday Saadiq John, uuna ku deddalay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan "Farxaan Qaroole".


Xiggasho: VOA

Category