Wax ka ogow shan waxyaabood oo sababa dhalmo la'aanta ragga

Rag badan ayaa iska aamusa marka ay la kulmaan xaalado ay ka mid yihiin awood la'aanta ah in aysan carruur dhali karin ama gudashada waajibaadka ay ku leedahay xaaskiisa.

Marka ay sidan dhacdo, qaar badan ayaa eedda iska wareejiya oo aan dooneyn inay arrintaas ka hadlaan.

Balse baaritaan la sameeyay ayaa muujinaya in ragga ay da'doodu u dhaxeyso 18 iyo 35 ay boqolkiiba 15 ka yihiin bulshada.

Ragga ay ku timaaddo xaaladda hammi yaraanta, waxaa baaritaanka lagu sheegay inay aad u dhibsadaan arrintaas, iyagoo ka baqaya ceebta ay bulshada kala kulmi karaan.

Marka ay sidan dhacdo, waxaa ninka ku imaan kara xaalado kale, sida dhalmo la'aanta iyo carruur la'aan.

Dr. Rasheed Adedapo Abassi, oo ka tirsan Jaamacadda Yale ee dalka Mareykanka, waxay khibrad 19 sano ah u leedahay caafimaadka ragga.

Waxay sharraxaad ka bixineysaa waxa sababaya in haweeneyda ay dhalmo la'aan la soo deristo, daaweynteeda iyo sida looga hortago.

Dr. Rasheed ayaa sheegtay in la isla xiriirin karo hammad yaraanta ragga iyo dhalmo la'aanta.

Waxay dhaqtaraddu sharraxeysaa shan xaaladood oo ragga ku keenta dhalmo la'aanta iyo daaweynteeda:

1. Jirka oo aan lahayn hoormoonnada ragga oo ku filan

Testosterone waa hoormoonka ragga kaas oo nimanka dareensiiya ragannimada halka estrogen uu yahay hoormoonka haweenka u suurto geliya inay uur yeeshaan.

Sida la mid ah ragga, heerka hoormoonka estrogen ee jirka haweenka ayaa hoos u dhaca marka ay gaaraan da'da 50-ka sano.

Rag badan ayaa iska aamusa marka ay xaaladdan la kulmaan

Marka ragga la eegana, hoormoonkooda ma yaraado, balse waxay wajahaan caqabado kale oo inta badan la iska indho tiro.

2. Walbahaarka

Walbahaarka maskaxeed waa sababaha ugu badan ee dhalmo la'aanta ku keenta ragga. Waxay xaaladdan dhici kartaa haddii ninku ay caqabado ka heystaan guurka amaba meelo kale.

Waxay dhaqtaraddu ku talineysaa in qofka uu la kulmo dhakhtar ka caawiya daweynta walbahaarka iyo in xal ay ragga u helaan waxa walwalka ku haya.

3. Joogteynta gudashada baahida jirka (Jimicsiga)

Waxay dhaqtarad Rasheed sheegeysaa in ragga ay u baahan yihiin joogteynta gudashada baahida jirka si looga hortgao dhalmo la'aanta.

''Ma ogtahay jimicsiga aan bukaannadeyda kula taliyo? waa kan gudashada baahida jirka.

Waxaana jiro baaritaan taageeraya taladaas taas oo aan dhihi karno waa talada ugu saxsan'', ayay tiri Dakhtaradda.

4. Waxay ka hor tagtaa kansarka ku dhaca ragga

Dr. Rasheed waxay sheegtay in joogteynta gudashada baahida jirka iyo hammada ee ragga ay ka hortagaan kansarka ku dhaca xubnaha taranka ee ragga.

5. Biyo aan nadiif ahayn oo la cabo

Arrintan dad badan ayay la yaab ula muuqataa, sida ay sheegtay Dr. Rasheed.

Si kastaba, waxay sheegtay in biyaha aan nadiifka ahayn oo aysan ku jirin nafaqo, ay saameyn ku yeelato caafimaadka xubnaha taranka ragga.

Waxay intaas ku dartay in dowladda ay tahay inay hubiso in dadku ay helaan biyo nadiif ah oo ay ku jiraan maaddooyinka Fluoride, Calcium iyo Selenite.

 

xigasho BBC

Category