
RH Kolding: Wiil 16-jir ah ayaa la qabtay Arbacadii 25-ka Juun waxaana loo haystaa dilka haweeney Soomaali ah oo 21 jir ahayd, taasoo la dilay 7-dii Abriil ee sanadkan magaalada Herning, sida ay sheegtay booliiska gobolka Midt- og Vestjylland.
Booliisku waxay sidoo kale sheegayaan in laba wiil oo kale – mid 17-jir ah iyo mid 18-jir ah – la qabtay Talaadadii 24-ka Juun, laakiin la sii daayay kadib markii la wareystay. Inkastoo la sii daayay, weli waxaa lagu tuhunsan yahay inay gacan ka geysteen dilka.
Wiilka 16-jirka ah waxaa la soo hortaagidoonaa maxkamadda Herning maanta oo Khamiis ah, si loo dhageysto dacwadiisa.
Booliisku waxay sheegeen in ay muddo bilo ah si dhow uga shaqeynayeen kiiskan, ayna hadda u arkaan in ay horumar muhiim ah sameeyeen.
Haweeneyda Soomaaliyeed waxaa lagu dilay meel ku taal Gormsvej ee magaalada Herning, saacadda 21:00 fiidnimo. Waxaa la sheegay in la tooreeyay, dad marayay goobta ayaa ku arkay dhaawac ahaan waxayna isku dayeen inay u gurmadaan, laakiin nasiib darro wey geeriyootay.
Markii dambena waxaa la arkay wiil dhalinyaro ah oo goobta ka baxsaday.
Booliisku waxay codsadeen in darawallada marayay halkaas oo lahaa kamarado "dashcam" ay la soo xiriiraan. Booliisku sidoo kale waxay horay u sheegeen in aysan u maleynayn in haweeneyda la dilay ay ahayd qof si aan ula kac ahayn loo doortay – macnaheedu waa inay taqaanay ama xiriir la lahayd dambiilaha.
Weli booliisku faahfaahin kama bixin sida ay u qabteen wiilka 16-jirka ah iyo doorka ay labada kale uga jiraan kiiskan.
Radio Hormuud isha wararka iyo dhacdooyinka Denmark.