Xaaladda ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Makalle oo laga deyrinayo

Addis Ababa (RH)-Tan iyo markii kooxda TPLF ay sheegtay in ay dib u qabsatay magaalada Makalle ee xarunta gobalka waqooyiga Tigreega ee dalka Itoobiya, waxaa ardayda wax ka barta jaamacadaha magaaladaas soo foodsaray daruufo nololeed oo aad u adag.

Ardayda wax ka barta jaamacadaha waxaa ka mid ah arday Soomaali ah.

Maamulka Jaamacadda Makkale ayaa ardayda ku xareysan Jaamacadda u sheegay in aysan u heynin wax cunto ah, maadama xaalad adag ay ka jirto magaalada.

Shan ardayda oo Soomaali ah oo wax ka barta Jaamacadda Makkale ayaa hadda soo gaaray magaalada Addis Ababa, waxa ay sheegeen in jaamacadda dhaqaalihii laga jaray.

Waxa ay sheegeen oo kale in biyaha, cuntada iyo wax yaabaha daruuriga laga jaray deeganka maadama dagaal ay ka dhaceyn.

Ardayda Soomaalida oo badi ka yimid magaalada Jigjiga ayaa sheegay in tan iyo markii TPLF ay la wareegtay magaalada in xaalad kacsanaan ay ka jirtay.

Ardayda Soomaalida ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla magaalada Makkela ma jiro wax dhib ah oo ay la kulmeen, laakin ardayda kale ee ka soo jeeda qowmiyadaha kale sida amxaarada ayaa la bartilmaameestay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category