Xagee buu ku dhacay gantaalkii ka fakaday Shiinaha ee aadka loo hadal hayay?

Shiinaha ayaa sheegay gantaalkii fakaday oo dhulka ku soo socday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya mee u dhaw jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).

Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

Warbaahinta Shiinaha waxaa kale oo ay sheegeen gantaalka uu hawada dhulka soo gaaray Axaddi saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24.

Hay'adda Maamusho Hawada sare ee dalka Mareykanka bayaan ay soo saareen waxay ku sheegtay "Iney hubin u baahan tahay gantaalka Shiinaha ee Long March 5b inuu saameyn uu u geysanayo dhulka ama biyaha."

Gantaalka dib u soo laabashadiisa inta aan la xaqiijin waxaa cabsi laga qabay inuu ku soo dhaco aag ay dad ku nool yihiin.

Xoghyaha arrimaha dibadda Mareykanka, Lloyd Austin wuxuu Shiinaha ku eedeeyey iney arrintan ku timid dayacaad dhankiisa ah.

Hase yeeshee khubarada ku xeeldheer arrimaha hawada sare waxay sheegeen fursad uu gantaalkaasi ugu soo dhici karo gooba deegaan ah iney yar tahay, maadaamaa uu dhulka intiisa badan ay badaha daboolayaan dhulka soo harayna ay yihiin dhul saxara oo lama dagaan ah oo aan lagu nooleyn.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Gantaalkan uu culeyskiisu yahay 18 tan ayaa ka mid noqonaya gantaallada ugu weynaa oo muddo tobaneeyo sana ah hawada sare loo diro isla-markaana xakamaha goosta lana xakameyn waayo.

Mareykankana wuxuu toddobaadki hore sheegay gantaalka halka uu marayo iney la soconayaan, balse uu qorshaha ugu jirin iney soo ridaan.

Khubara badan oo ku xeel dheer arrimaha hawada sare waxay horay u saadaaliyeen gantaalka inuu dhulka ku soo wajahan ayahay Sabtida ama galinka hore ee Axadda.

Waxay khubaradu sida oo kale saadaaliyeen gantaalka inta uu hawada ku soo jiro intiisa badan inuu gubanayo, inkasta oo ay suuragal noqon karto qayba ka mid ah biraha aan dhalaalin uu gantaalku ka sameysan yahay inay dhulka soo gaaraan.

Dhacda tan la mid ah oo sanadki hore dhacday dhuumo loo maleynayo iney yihiin qaybo ka mid ah gantaal hawada sare ku burburay waxay ku soo dhaceen dalka Ivory Coast ee qaaradda Afrika.

Shiinaha wuxuu ka carooday arrinta sheegeysa iney arrintan ay ka dambeysay dayacaad ku aaddan inuu xakameyn waayo gantaalka hawada sare uuu diray.

Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la'aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan.

Waxaa la sheegayaa in waxyaabaha xaaladda sii adkeynaya ee ay dunida ka walaacsday ay yihiin in Shiinuhu uusan dunida inteeda kale la wadaagin macluumaad ku filan oo la xiriira gantaalkaas.

 

source BBC

 

 

Category