Xareedo Ismaacil Duniya oo ku geeriyootay London

London (RH)-Siday ehelkeedu ii sheegeen Xareedo Ismaaciil Cabdi (Duniyo) ayaa Uk ku geeriyootay, Xareedo waxay ka mid ahayd fannaaniintii xoogga dalka Waaberi ka hor.

Heesaha aad ka loogu bartay waxa ka mid ahayd heestii “Nin xilqaaday eed qaad” ee ay wadaqaadeen Cabdi Cali Bacalwaan, erayadana uu curiyey Ismaaciil Xirsi Farxaan.

Riwaayado ay ka mid ahayd “Xuudbaa liqay Jaceylkii” 1974 ayey ka qaybqaadatay waxaana ku jirtay heestii Sheekhaagu waa Kuma? ee ay Cumar X Rooraaye wadaqaadeen.

Anigu heesta Guuleed hurdoow/Keenee Gardarran ee ay Nageeye la qaaday ayaan markii u horreysay ku maqlay.

Xareedo waxay ahayd qofka labaad ee ugu da’daweyn inta ka sii nool gabadhihii hobolada Waaberi , qofka kalena waa Maandeeq Alle ha dhawree.

Qoyskeeda iyo dhammaan Soomaali Alle haka samir siiyo.

Sawirkan waa Qaahira 1976.

W/Q:Cumar Seerbiya

Category