Muqdisho (RH)-Sida ay sheegayaan warar dheeraad ah oo laga helayo kulankii ay lahaayeen xubnaha Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyne Xassan Sheikh, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu sheegay in uu ka laabanayo wax kabedelka Cutubka 4-aad ee Dadtuurka, una baahan yahay in lasiiyo mudo 20 maalmood ah, oo lasoo tashanayo saaxiibadiisa siyaasada.
Cutubkan waa kan dhammaantiis ay ku idil yihiin qodobada siyaasadeed ee lagu kale aragti duwan yahay, waxaana mucaaradka ay qabaan kalsooni darro ah in aysan dhab aheyn warka MW, maadaama uu diiday in warbaahinta laga sheego.
Xubnaha ayaa hadda leh kulan gaar ah dhexdooda, oo ay ku faaqidayaan dhab ahaanshaha iyo sida uga jawaabi lahaayeen.
Xigasho:Gaylan Media