Xurgufta Boosaaso iyo aaggaga lagu kala jiro

Waxaa weli aanan dhinacna u dhicin xaaladdii iyo xiisaddii dagaal ee ka taagnayd magaalada Boosaaso kadib xil ka qaadistii la diiday ee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay taliya ciidamada PSF.

Wararka ka imanaya magaalada waxa ay sheegayaan in weli magaalada ay kusii gurmayaan ciidamada Puntland qeybahooda kala duwan, halka ciidamada PSF-ta ay ku egyihiin xeradooda oo inta laga fahamsanyahay ay difaacyo ka dhex samaysteen.

Xalay waxaa lasoo wariyay in ciidamada Puntland ay difaacyo ka galeen waddooyin aad ugu dhow xerada PSF-ta, balse markii dambe ciidanka laga qaaday meeshaasi.

Haddaba waxaan qormadani diirada ku saaraynaa aaggaga la kala joogo, kadib xog uruurin ay BBC-du samaysay.

Waddada isku xirta dekeda, madaxtooyada iyo xerada PSF-ta ee dhexmara xaafadda Ridhwaan

Magaalada Boosaaso waxa ay ka koobantahay afar xaafadood oo waaweyn, balse mid oo keliya ayuu culeeska u badanyahay, taasina waa xaafadda Ridhwaan ee ku taala dhanka Bari ee magaalada.

Xaafaddan waxaa ku yaala Goobaha ugu muhiimsan magaalada, kuwaas oo hadda sida muuqata isu badeley dhufeysyo ay xilli kasta suurtogal tahay in ay noqdaan furumo ay ciidamo ku hardamaan.

Tusaale ahaan waxaa xaafaddan Ridhwaan ku yaala dekeda weyn ee Boosaaso, taas oo ay ku suganyihiin ciidamada badda Puntland ee PMPF oo la sheegay in dowlad Carbeed ay gacan siiso.

Meel aan halkaas ka fogeyn waxaa ku taala xerada ciidamada PSF ee iyagu ka gadoodsan , waxa kaliya ee xeradan iyo dekadda kala qeybiyaha waa labo xarumood oo waaweyn oo middi leedahay hay'adda WFP , tan kalena ay tahay shirkadda doomaha.

Sidoo kale waxaa Meesha ku taala Madaxtooyada Puntland, qeybteeda Boosaaso oo ah dhisme uu madaxweynaha dego , islamarkaasna leh ciidamo loo yaqaano ciidamada illaalada madaxtooyada. Waxaa xusid mudan in hadda ciidankaasi lagu soo xoojiyay kuwa Daraawiishta Puntland oo tiro badan, hub culusna wata.

Difaacyada ciidanka PSF iyo kuwa madaxtooyada ku sugan waxa ay isu jiraan masaafo ay iska arki karaan.

Goobaha kale ee ay ciidamada joogaan

Ciidamo kale oo ka baxsan kuwan aan soo sheegnay ayay wararku sheegayaan in ay ku suganyihiin meelo kale duwan oo magaalada ku saabsan.

Meel ka mid ah waa meesha loo yaqaano Biyo- Kulule oo dhanka bari ka xigta magaalada.

Goob kale oo ciidan badani degeen waa meesha loo yaqaano Togga Baadale oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada.

Xerada PSF-ta

Ciidanka gaarka ah ee PSF-ta waxaa la sheegay in ay ku koobanyihiin xeradooda tan iyo intii ay maalmo ka hor dib ugu soo laabteen magaalada.

Xerada waxa ay barbarka ku haysaa badda, halka dhinaca kalena aysan jirin dhismayaal badan oo ka xiga dhanka magaalada looga boxo, marka laga reebo dhawr maxjarada xoolaha oo ah magaalada banaankeeda.

Dagaalka Ra'yiga Guud

Labadda dhinac waxa ay u egtahay in ay ku hardamayaan ra'yul caamka iyo sidii ay u saamayn lahaayeen aragtida dadweynaha, waxayna isticmaalayaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Bog calaamadda buluugga ah wadata oo barta Facebook ay ku leeyihiin ciidamadan ayaa maalmahan lasoo dhigayay muuqaalo ku saabsan hawlgalo ay horey u sameeyeen, gaar ahaan hawlgalkii xabsiga Boosaaso.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Puntland ayaa iyagu si joogso ah warbaahinta ula hadlayay, gaar ahaan taleefishinka Puntland, iyaga oo mararka qaar amaro bixinayay, kuna baaqayay in amarka madaxweynaha la qaato.

Muuqaalo laga duubay ciidamada Puntland oo Boosaaso sii galaya ayaa iyaguna aad loogu baahiyay baraha Bulshada, iyada oo lagu laray heeso waddani ah oo la qaadday dagaalladii Itoobiya lala galay.

 

xigasho BBC

Category