10 baabuur oo ay leedahay Dowladda Hoose ee Kolding ayaa taayiradooda la banjariyey

kadib fal burburin ah oo ka dhacay agagaarka Ålegården ee magaalada Kolding. habeenkii Isniinta soo galaysay ayaa 40 kii taayir ee ku jiray baabuurta dowladda hoose si ula kac ah loo dalooliyay. Taas ayaa sababtay in 10 baabuur oo yaallay goob baarkin ah oo ku taal gadaasha dhismaha Waaxda Carruurta iyo Waxbarashada ay taayirradoodu gebi ahaanba faaruq yihiin, sida uu qoray TV Syd.

Booliska ayaa helay warbixinta ku saabsan burburinta ballaaran saacaddu markay ahayd 00:44 habeenimo, waxaana la bilaabay baaritaan rasmi ah.

“Arrintan si dhow ayaan u baaraynaa, waxaana sii wadaynaa investigations-ka. Waxaan ugu baaqaynaa cid kasta oo xog ka haysa dhacdadan inay nala soo xiriiraan lambarka 114,” ayuu TV Syd u sheegay Thomas Green oo ah sarkaal heegan ka ahaa Sydøstjyllands Politi.

Kolding Kommune ayaa sidoo kale xaqiijisay dhacdadan, waxayna sheegtay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee fal noocan oo kale ahi dhaco.

Category