Afduubka gabdhaha:Yaa lala xiriirinayaa dilka gabdhii Soomaalida ee Mombasa?

Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilkii gabar Soomaali ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

Najma Cabudllaahi oo 19 sano jir ahayd kana soo jeedda magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Jimcihii la soo dhaafay la heley meydkeeda, kaddib toddobaad la weysanaa.

Kahor inta aan la weynin, keliya toddobaad ayay Najma ku sugneyd Mombasa, iyadoo la nooleyd walaasheed, waxaana loo maleynayaa in kuwa afduubtay ay dhulka ku jiideen.

Salma Axmed oo ah agaasime ku xigeenka ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Haki Afrika ee dhisan Kenya ayaa sheegtay in ururkooda ay soo gaareen cabashooyin la xiriira tahriibinta dadka.

"Waxaa ina soo gaaray cabashooyin ah in dad loo tahriibiyay dalalka sida Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen iyaga oo aan ogeyn. Tusaale ahaan waxaa jira afar haween oo loo ballan qaaday shqooyin dibadda ah sida Sacuudiga, waxayna arkeen iyaga oo ku sugan Soomaaliy."

Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.

Qofka laga shakisan yahay ayaa la sheegay inay u baxsatay magaalada Eldoret, isla maalintii la waayay Najma, iyadoo la sheegay inay dhuumaaleysi ku jirtay kaddib markii ay ka war heshay in baarayaashu ay ku raad joogaan.

Mrakii dambe waxaa laga soo qabtay magaalada Kangundo, xilli ay isku dayeysay inay u baxsato magaalada Nairobi, maalin kaddib markii xaafadda Dongo Kundu bypass laga helay Najma oo miyir daboolan.Najma ayaa mar dambe isbitaal ku yaalla magaalada ugu geeriyootay dhaawacyo kaga yaallay madaxa, wejiga iyo dhiigbax gudaha ah.

Ifraax Cabdullaahi oo ah Najma walaasheed ayaa sheegtay in la waayay xilli fiidnimo ah abbaarihii 7.20 am, telefoonkeeduna uu dansanaa.

Weli ma cadda halka lagu hayay Najma muddadii saddexda maalmood ahayd ee la weysanaa, balse goobjooge ayaa booliiska magaalada Mombasa kala shaqeynaya in la soo helo dadkii ka dambeeyay afduubkeeda iyo dilkeeda.

Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxay dugsiga sare, ayaa ugu dambeyn meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.

Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u sheegay in "gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen, ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay". Halkaas waa meesha ay qoyska ka heleen.

"Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo kellida", ayuu yiri Xasan bashiir.

xigasho BBC

Category