AL SHABAAB oo sheegtay cidda ay ku beegsatay qaraxii ismiidaaminta ee maantadda ay ku beegsatay qaraxii ismiidaaminta ee maanta

Al-shabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo ay saldhig Militari ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warka kasoo baxay ku sheegtay in taliska ciidamada dowladda ee Biyo-cadde lagu qaaday weerar is-miidamin ah oo lagu beegsaday saraakiil uu ka mid yahay taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada Xoogga Col. Saney Cabdulle.

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dhaawacday taliyaha Guutada 4-aad Col. Saney Cabdulle halka sidoo kale ay sheegtay in lagu dilay 10 askar.

“Camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari ayaa saaka ka dhacday xarunta taliska ciidanka dowladda ee deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe. Weerarka waxaa ku dhaawacmay Korneel Saneey Cabdulle taliyaha guutada 4aad waxaana ku dhintay 10 askari’” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale,  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, iyadoo ay sidoo kale joogaan ciidamada milatariga dowladda oo dhowaanahan howlgallo milatari ka waday Gobolka Shabeelada Dhexe.

xigasho caasimada.net

Category