RH KOLDING: Shacab aad u firfircoon ayaa kulan fool-ka-fool ah la yeeshay Duqa degmada Kolding, Jakob Ville (V), si ay ugala hadlaan horumarka iyo caqabadaha horyaalla magaalada.
Taageero ballaadhan oo loo muujiyey hindisaha cusub
Maalintii Khamiista, waxaa xafiiska Maamulka Kolding (Rådhus) ka dhacay hindise cusub oo loogu magac daray “Kaffe med borgmesteren” (La qaxwee duqa degmada). Barnaamijkan, oo durba helay soo dhoweyn aad u weyn, waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad 20 muwaadin oo u yimid inay ka qayb qaataan wadahadal furan oo ku saabsan arrimaha taabanaya nolosha dadka deegaanka.
Duqa degmada Jakob Ville ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida dadku uga soo qayb galeen kulankan oo ku bilowday jawi deggen oo dhaxal-gal ah.
Hal saac oo isku beddelay laba saac iyo bar
Kulankan oo markii hore loogu talagalay inuu socdo hal saac oo kaliya, ayaa isku beddelay mid xiiso badan iyo dood cilmiyeed socday muddo 2.5 saacadood ah. Arrimaha laga hadlay waxay isugu jireen kuwo saameyn weyn leh och kuwa yaryar intaba, waxaana ka mid ahaa:
-
Fikrado ku saabsan horumarinta mustaqbalka magaalada.
-
Nidaamka baarkinka baabuurta iyo ciriiriga waddooyinka.
-
Dhisidda jidadka baaskiilka iyo badbaadada taraafikada.
-
Mawduucyo adag sida xaaladda xarunta lagu caawiyo dadka balwadda leh (heroinklinik).
-
Horumarinta ganacsiga, daryeelka carruurta ee guriga (hjemmepasning), iyo qorshayaasha deegaanka.
Wadahadal ku dhisan ixtiraam iyo niyad wanaag
Waxa xusid mudan in dhammaan dadkii ka qayb galay ay muujiyeen niyad wanaag, xiiso iyo damqasho ay u qabaan inay Kolding ka dhigaan meel ka wanaagsan sidii hore. Jawiga kulanka ayaa ahaa mid ay ka muuqato is-dhageysi, xitaa marka laga hadlayo arrimaha lagu kala duwan yahay.
Duqa degmada ayaa hoosta ka xariiqay in wadahadalka noocan oo kale ah uu yahay wadada kaliya ee lagu gaadhi karo horumar loo dhan yahay, isagoo ballanqaaday in la sii wadi doono dadaallada lagu dhisayo buundada u dhaxaysa maamulka iyo shacabka.

Radio Hormuud Kolding – Codka Shacabka.