CC SHAKUUR oo sheegay in uu Farmaajo ku fashilmey ololihiisii uu kaga soo horjeeday horumarinta dekeda Berbera

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, isagoona ku naqdiyey Farmaajo inuu kasoo horjeesto horumarka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu kal hore isku dayey inuu is hortaago madxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

“Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta iyo casriyeynta dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun, xili ay dowladda Itoobiya ku howlan tahay ka faa’iideysiga kheyraadkeena.

“Mowqifkeennu maalinkaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.”

“Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkaan ayaa imanaya xili shalay xariga laga jaray dib u ballaarin iyo casriyeyb lagu sameeyay dekedda Somaliland ee magaalada Berbera oo ay maalgalisey DP World, oo ay heshiiskeeda kasoo horjeesatay dowladda federaalka.

Category