Ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho oo shuruud ku xiray in ka baxaan magaalada

Muqdisho (RH)-Guddi saraakiil ah oo ka socda ciidamadii dhawaan soo galay xaafado ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Cabdicasiis, Howlwadaag iyo Hodan ayaa shuruudo ku xiray in ay ku laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen.

Guddigan oo ka kooban seddex jeneraal iyo afar korneel ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo amniga guud ee dalka maadama waqtigiisa uu dhammaaday, uuna abuuray qalalaase sida ay sheegeen.

Gaashanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddigaas saraakiisha ayaa BBC-da u sheegay in ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho illaa inta xal looga helayo wax yaabihii markii horre keenay in ay saldhigyo ka sameesataan magaalada Muqdisho.

"Shirar ayaa yeelanay shirkaasi oo ujeedkiisa ahaa in la dhiso guddi ka kooban illaa 7 xubnood iyo afhayeen, guddiga waxa ay wadahadal la gali doonaan xukuumadda xil gaarsiinta si dhabaha loogu xaaro in doorashada dalkan ay ku dhacdo si sharciga waafaqsan"ayuu yiri gaashanle Diini.

Mar la weydiiyay in mar haddii muddo kordhintii laga laabtay in ay ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay lee dahay dastuur sharcigana uu noqday mid qof jeebka ugu jira.

Waxa uu sheegay in ay rabaan in ay sharciga ilaaliyaan.

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay in uu rabo inuu xoog ku maamulo dalka maadama xilkiisa uu dhammaaday.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa deggan, in kastoo xaafadaha qaar ee caasimadda lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda oo ku biiray mucaaradka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category