Dab la qabadsiiyay gaari dameero u rarnaa magaalada Waajid

Waajid (RH)-Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dab la qabadsiiyay 7 gaari dameer oo siday badeecooyin kala duwan kuwaasoo u rarnaa ganacsato una socday degmada Waajid.

Masuuliyiinta degmada Waajid ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay dab qabadsiiyay dameerada iyo badeecadaha ay sideen.

Magaalada Waajid waa magaalo in muddo go'doon ay galiyeen Al-Shabaab waxaana ay ka mid tahay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa u diiday ganacsatada in ay wax badeecado geeyaan magaalada, waxaana laga soo werinayaa in ay Waajid ka jirto xaalad bini'aadinimo oo halis ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category