Dagaal u dhexeeya booliska iyo militariga oo ka socda Guriceel

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ka dhacay maanta kaasi oo u dhexeeya laba qaybood oo ka kala tirsan ciidamada Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa dadka degaanku u sheegeen idaacadda VOA inuu u dhexeeyo booliiska degmada Guriceel iyo ciidamada militariga ee Gorgor.

Saddax askari iyo qof rayid ah ayaa ku dhinta ilaa iyo hadda, sida ay VOA u xaqiijiyeenn ilo wareedyo ku sugan Guriceel.

Magaalada Guriceel ayaa kasoo kabanaysa dagaallo qaraar oo bishii Oktoobar ee sannadkii hadda dhammaaday ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

 

xigasho VOA

Category