Denmark. 135,000 qof oo qaba deyn ay qaateen intii ay waxbarashada ku jireen.

Sida lagu cadeeyey xog maanta la daabacay dawlada wadanka Denmark ayaa ardeyda ku leh lacag deyn ah oo dhaafeysa ,6.5 bilyan oo karoone. Deyntan ayaa ah lacag dheeraad ah oo ay ardeydu codsankaraan in loogu daro lacagta deeqda ah ee la siiyo marka ay waxbarashada kujiraan.

Deyntan baaxada leh oo sii kordheysa maallinba maalinta kadambeysa ayaa xarkaha goosatey tobankii sanno ee u dambeeyey , 2010 waxa ay deyntu mareysay 3.2 bilyan halka ay 2020 kaadhey 10.3 bilayan.

Lacagtan ayaa marka ay deyntu badato aad ugu adkaata ardeyda in ay dib u soo celiyaan oo ay iska bixiyaan waxaaney noqotaa deyn qoorta ugu jirta oo korsaar fuulo , kadibna curyaamisa horumarka nololeed ee  qofka .

Siyaasiyiinta ayaa hore looga digay dhibkan sannadkii 2007 dii wayse dhayalsadeen , hadaba hada ayey baarlamaanku daraasadeynayaan hanaan xakameynaya qaadashada deynta iyada la qiimeynayo kahor inta aan lasiin deyn si loo hubiyo in uu deynta iska bixin karo iyo inkale.

Lacagta  ardeydda la siiyo waxaa la yidhaahdaa (es uu) Ama SU

Waxaana la siiyaa ardeyga gurigooda deggan 4.055 karoon cashuurta ka hor

Ardeyga gaar u degaana waxaa lasiiyaa 6. 321 karoon Cashuurta ka hor.

Intaas kadib waxaa suurto gal ah in uu ardeygu lacag ka deynsado dawlada taas oo deeqda waxbarasho loo soo raacin karo bil walba.

Lacagta uu ardeygu deynsan karo ayaa dhan 3200 karoon bilwalba, waana lacagta keenta in ardeygu qaamoobo.

Category