Denmark: Aabbe loo haysto eedo ku aadan Safar Dhaqan-celis.

RH: Kolding: Nin 57 jir ah oo deggan magaalada Aarhus ee dalka Denmark ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymo sheegaya inuu garaacay isla markaana karbaashay saddex gabdhood oo uu dhalay muddo saddex sano ah oo ay ku sugnaayeen magaalada Garowe ee waqooyiga Soomaaliya.

Aabbahan ayaa lagu eedeeyay in xagaagii 2022-kii uu gabdhahiisa oo xilligaas kala ahaa 7, 12, iyo 14 jir uu u diray safar "dhaqan-celin" ah oo ka dhan ahaa doonistooda, kaas oo khatar weyn geliyay caafimaadkooda iyo horumarkooda.

Eedeymaha Xeer-ilaalinta Denmark:

Sida ku cad gal-dacwadeedka, labada gabdhood ee ugu waaweyn ayaa la kulmi jiray rabshado joogto ah oo maalinle ah ama maalin-dhaaf ah. Waxaa la sheegay in aabbuhu uu ka garaaci jiray madaxa iyo jirka, isagoo u isticmaali jiray agabyo kala duwan sida:

  • Tuubada biyaha.

  • Xadhigga danabeynta (Charger).

  • Xadhigga HDMI-ga.

  • Iyo xaaqin.

Labada gabdhood ee waaweyn ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Denmark ka dib muddo saddex sano ah, halka gabadha ugu yar ay weli ku maqan tahay Soomaaliya. Aabbaha ayaa la xiray bishii Sebtembar ee sannadkii hore markii uu isku dayay inuu cusboonaysiisto baasaboorkiisa Danish-ka ah.

Difaaca Aabbaha

Ninka eedaysanaha ah oo maxkamadda horteeda ka hadlay isagoo xiran koofiyad madow iyo dhar isboorti, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa safar dalxiis (Safari) oo ay ku tegeen Kenya, ka dibna ay u gudbeen Soomaaliya si ay u soo booqdaan qoyskiisa.

"Waxay u joogeen inay bartaan luuqadda Af-Soomaaliga iyo Qur'aanka, sidii waalidkay anigaba ii bareen. Waa wax mustaqbalka wax u taraya," ayuu yiri aabbuhu. Waxa uu intaas ku daray in gabdhuhu deggenaayeen guri leh darbi dheer oo laba mitir ah, balse uu beeniyay in lagu sameeyay ciqaab ama xabsi ka dhan ah doonistooda.

Aragtida Dhakhaatiirta iyo Go'aanka Sugan

Baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay labada gabdhood ee soolaabtay ayaa muujiyay inay jirkoooda ku yaallaan nabarro iyo calaamado hore. Si kastaba ha ahaatee, aabbaha ayaa ku dooday in nabarradaas ay yihiin kuwo ay ka dhaxleen ciyaaraha kubbadda cagta iyo kolayga intii ay joogeen Denmark.

Markii wax laga weydiiyay gabadha yar ee weli Soomaaliya ku maqan, waxa uu sheegay inay soo laaban doonto marka ay "waynaato", isagoo yiri: "Taas aniga ayaa go'aaminaya, waxay noqon kartaa sannadkan ama shan sano ka dib."

Aabbahan ayaa keligiis mas'uul ka ah carruurta maaddaama hooyada dhashay ay aad u xanuunsan tahay. Gabadha ugu weyn ayaa la filayaa inay markhaatigeeda ka dhiibato maxkamadda, iyadoo go'aanka kama dambaysta ah ee dacwaddana la filayo 27-ka Abriil.

Category