Denmark: Gabadha Soomaalida ah ee curisay farsamo cajiib ah oo looga baaqsan kara qalliinka wadnaha

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Maryam Nuur ayaa xal u heshay cudur ku dhaca wadnaha oo dawadiisa keliya ay ahaan jirtay qalliin aad u halis badan.

Sheekada Maryam ee cajiibka ah waxaa lagu shaaciyay bogga internet-ka ee Jaamacadda Aarhus oo ku taalla waddanka Denmark.

Qalab ay soo hindistay gabadhan oo u sameysan sida faraanti yar haddii lagu wareejiyo halbowlaha wadnaha soo geliya dhiigga waxa uu daawo u noqon karaa bukaannada qaba xanuunka dhiigga ka soo dusa xididdada wadnaha.

Cilmibaareyaal ayaa sheegay in saameynta qalabkan lagu tijaabiyay xayawaanno haddana la rajeynayo in tiknoolojiyaddan loo adeegsado bani'aadanka.

Xaaladda ku saabsan in xididdada wadnaha ay dhiig soo dusay sii daayaan - oo afka qalaad ee caafimaadka loo yaqaanno "aortic insufficiency" - waa marka qeybta u dhaxeysa kalabarka wadnaha ee dhanka bidix iyo halbowlaha weyn aysan sidii loo baahnaa isugu dhaweyn.

Cudurkan ayaa sababa marxalado caafimaad darro oo wadnaha gudihiisa ah, kuwaasoo heerar kala duwan leh, sida lagu sheegay maqaalka Jaamacadda.

Markii xididdadaas ay dhiig dii daayaan, waxa uu dhiiggaas qaarkiis dib ugu laabtaa wadnaha, taasoo sababeysa in shaqada wadnaha ay aad u adkaato.

Mararka qaar waxaaba dhici karta in wadnaha uu istaago marka ay xaaladda noocaasi ah jirto, waxaana aad muhiim u ahayd in la helo xal lagu daaweeyo dhibaatadaas.

Dhakhaatiirta ayaa horay cudurkan ugu daaweyn jiray inay adkeeyaan xididdada dabcay ee wadnaha ama in ay ku baddalaan kuwo macmal ah.

Hase yeeshee labadaas xalba waxay ahaayeen kuwo halis aad u weyn wata. Sidaas awgeed Injineerrada caafimaadka ee Jaamacadda Aarhus waxay wadeen cilmi baaris sannado badan qaadatay oo lagu raadinayo tiknoolojiyad cusub oo lagu daweeyo bukaannada wadnaha.

Maryam Nuur oo ka mid ahayd aqoonyahannada caafimaadka ee daraasadda waday ayaase aaminsan in arrinta ay curisay ay tahay xalka ugu wanaagsan, sidaas oo ay khubarada kalena ku raacsan yihiin.

"Xididka wadnaha in lagu baddalo kuwo macmal ah waa daawo waxtar leh, balse waa hannaan qalliin oo khatar weyn leh, halistiisuna qaarkeed waxay jirtaa muddo dheer. Hadda waxaan helnay xal fududeyn kara in bukaannada la daweeyo," ayay tiri Maryam, oo shahaadada PhD ka qaadatay cilmiga "Electrical and Computer Engineering" oo ay ku baratay isla Jaamacadda Aarhus Denmark.

Qaabkan muxuu tarayaa?

Sida ay aqoonyahanadu sheegeen, qalabka ay Maryan soo hindistay ee u sameysan sida faraantiga waxa uu wadnaha ka ilaalinayaa dhiigga dib ugu soo laabanaya.

Maryam Nuur ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ku mashquulsaneyd naqshadeynta qalabkan iyo sameyntiisa, si bukaannada wadne xanuunka noocaas ah qaba xal loogu helo.

Waxay la timid qalab daawo fiican ah oo saameyn ballaaran ku yeelan doona ama wax weyn kusoo kordhinaya qalliinnada wadnaha ee lagu sameeyo guud ahaan caalamka.

"Halkii la baddali lahaa xididdada, daawadeydu waa in la isu soo dhaweeyo meelaha kala fog ee dhiigga uu kasoo dusayo, sidaasna waxaa loo hor istaagayaa dhiigga dib ugu soo noqonaya wadnaha. Waxaan sameeyay faraanti hab cusub ah oo adkeynaya wareegga xididdada," ayay tiri.

Sannadihii lasoo dhaafay, dhakhaatiirtu waxay adeegsanayeen nooc faraanti ah oo isla howshan oo kale loo adeegsanayay, balse kuwaasi waxay sidoo kale wateen khasaare.

Laakiin nooca faraantiga ay curisay Maryam, oo ka duwan kuwa la yaqaanno, waxa uu ka sameysan yahay waxyaabo aan adkeyn oo dhibaato u keeneynin wadnaha qofka xanuunsan, marka lagu rakibayana ay sahlan tahay shaqadu.

 

xigasho BBC

Category