Dhalinyaro Muqdisho ku soo bandhigtay farshaxan looga iibsaday qiimo kala duwan

Magaalada Muqdisho waxa xalay lagu qabtay caweysin loogu magac daray habeenka farashaxanka oo dhalinta sawir gacmeedyada sameeya ay ku soo bandhigeen sawirrada ay hindiseen isla markaana ay sawireen.

Dadweyne fara badan ayaa u soo daawasho tagay, iyagoo qaarkood sawiradii ay la dhaceen ay iibsadeen.

Waa mid kamid ah bandhigyada naadirka ah ee lagu arko Muqdisho, waxana hal abuurkiisa lahaa madaxda telafishan maxali ah oo la yiraahdo ASAL24.

Haddaba dadkii xalay tagay munaasabadaas waxa kamid ahaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo warbixintan ku eegaya sida jawiga bandhigu ahaaa xalay.

ISHA: BBC

Category