Diyaar Garow: Bandhigga Cuntada Jidadka Kolding (Streetfood Festival) oo si weyn ugu soo laabanaya Marina Syd

RH: Marka la gaadho usbuuca u dambeeya ee bisha Luulyo, deegaanka Marina Syd ee magaalada Kolding ayaa mar kale isku beddeli doona goobta ugu weyn ee ay isugu yimaadaan cuntada, muusigga iyo isku-duubnida bulshadu.

Bandhigga Cuntada Jidadka Kolding (Kolding Streetfood Festival) ayaa soo laabtay: Laga bilaabo 24-ka ilaa 26-ka Luulyo, bandhiggan ayaa si weyn uga dhici doona Marina Syd – iyadoo dhammaan maalmahaas uu gelitaanku yahay gabi ahaanba lacag la'aan.

Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Mokka Group iyadoo kaashanaysa, isla markaana xidhiidh wada-shaqayneed la leh maqaaxiyaha maxalliga ah, kafateeriyooyinka iyo dad mutadawiciin ah, ayaa lagu soo bandhigi doonaa 15 baabuurta cuntada ah (foodtrucks). Cuntada la keenayo ayaa isugu jirta tii caadiga ahayd ee waddooyinka iyo dhadhano cusub oo xiiso leh. Sannadkii hore, bandhiggu wuxuu dhigay rikoor weyn kadib markii ay kasoo qaybgaleen in ka badan 20,000 oo qof. Sannadkanna waxaa la filayaa inuu noqdo kii ugu weynaa taariikhda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Mokka Group.

Maxaa cusub sannadkan? Arrimaha cusub ee sannadkan lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah 'Orodka Bulshada' (Social Run) oo la qaban doono maalinta Axadda. Kani waa barnaamij orod iyo is-dhexgal bulsho ah oo ujeedadiisu tahay in taageero dhaqaale la gaadhsiiyo xarunta Vonsild Specialcenter, oo caawisa carruurta naafada ah. Dhinaca madadaalada iyo muusigga, kooxda DJ-ga ee Heliograph ayaa soo laaban doonta habeenka Sabtida, kadib wacdaro iyo guul weyn oo ay muujiyeen sannadkii hore.

Taageerada bulshada oo si weyn loo bogaadiyay Maareeyaha mashruucan, Nicklas Nielsen, ayaa si weyn u ammaanay taageerada muuqata ee ay ka helaan shirkadaha maxalliga ah iyo mutadawiciinta, wuxuuna bandhiggan ku tilmaamay mid ay wada leeyihiin dhammaan bulshada Kolding:

"Waxaan si joogto ah u aragnaa taageero cajiib ah oo si dhab ah uga sarraysa wixii aan filaynay. Waxa ugu muhiimsan ma aha oo kaliya in bandhiggu korayo, balse waa sida wacan ee ay magaaladu noo garab taagan tahay. Milkiilayaasha maqaaxiyaha, mutadawiciinta, shuraakada aan xidhiidhka leenahay iyo martiduba waxay gacan ka geystaan in la abuuro jawi laga dareemayo inuu yahay bandhiggii Kolding oo dhan," ayuu yidhi Nicklas Nielsen, oo ah maareeyaha mashruuca kana mid ah bahwadaagta Mokka Group.

Wuxuu intaas ku daray, "Isla markaana, waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa shirkadaha maxalliga ah sida House4IT, Y-design iyo MOS MOSH, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta bandhiggan sannadba sannadka ka dambeeya. Runtii waa isku-duubni bulsho oo weyn, taas oo aan doonayno inaan sii horumarino."

Ugu dambayn, qabanqaabiyeyaasha ayaa fariin u diray dadweynaha: "Kaalay oo soo arag usbuuc-dhammaad xiiso badan oo ka buuxa cunto, muusig iyo wada-jir bulsho oo ka dhacaya Marina Syd."

Category