Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay xilliga ay dhaceyso

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban 17 xubnood oo ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxaa doortey Senator Cabdiqani Ugaas Geelle waxaana uu ku guuleystay guddoomiyenimada gudiga isaga oo halay 10 cod.

Sidoo kale, guddiga ayaa waxaa doortey guddoomiye ku xigeen xildhibaan Maxamed Keerow.

Guddiga ayaa intaas kadib waxa ay ka doodeen xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay isku raaceen in la qabto 15-ka May.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay musharax madaxweyne, inkasta oo aad loo rumeysan yahay inuu mar kale tartami doono kadib in ka badan 5 sano oo uu joogay xafiiska Villa Somalia.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category