Doorashada madaxweynaha Waqooyi Bari oo ka socota Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood waxaa ka billowday doorashada madaxweynaha Waqooyi-Bari, waxaana u tartamaya xilka illaa shan mushaarax oo kala ah:

1. Cabdrashiid Faarax Maxamuud

2. Cabdirisang Khaliif Axmed

3. Jamaal Maxamed Hassan

4. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

5. Maxamuud Yuusuf Xasan

Doorashada madaxweynaha Waqooyi Bari oo ka socota Laasacaanood Doorashada madaxweynaha Waqooyi Bari oo ka socota Laasacaanood

Xildhibaannada baarlamaanka Waqooyi Bari oo ka kooban 83 xildhibaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa dooranaya madaxweynaha.

Guddiga doorashada ayaa shaley si rasmi ah u shaaciyay liiska 10 musharrax oo ay sheegeen in ay buuxiyeen shurudaha laga rabo musharrax kasta.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaa iminka socota khudbadaha ay jeedinayaan musharrixiinta u taagan xilka.

Maanta ayaa la soo gabagabeyn doonaa doorashada oo la shaacin doona musharraxa guulaysta.

Category