Doorasho dambe MAYA

RH: Kolding: Gudoomiyihii hore ee gollaha degaanka  Kolding  dalka Denmark, Per Bødker Andersen, oo ka tirsan xisbiga Socialdemoqraadiga, kuna jiray siyaasadda in ka badan 50 sano, ayaa ku dhawaaqay inuu u gabi ahaanba joojiyey siyaasadii doorashadiisii dhacdey 18.Nov.2025 na ay ahayd tiisii  ugu dambeysay. Warkan ayuu ku shaaciyey bartiisa Facebook,wuxuu ku yidhi:

“Safarkaygii dheeraa  ee musharaxnimo wuu soo dhammaaday hadda. Waxay ahayd safar cajiib ah, waxaana u mahadcelinayaa dhammaan dadka ka qayb qaatay muddo ka badan nus qarni.”

Per Bødker Andersen wuxuu xilalka siyaasadeed ku jiray tan iyo 1974, markaas oo uu markii ugu horreysay galay golaha deegaanka ee Kolding. Waxa uu ahaa tan iyo badhtamihii  waqtigaasi, laga bilaabo 1985 illaa 2009, duqa magaalada Kolding.

Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa Vejle Amtsråd intii u dhaxeysay 1978–1982, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaranka iyo Yurub ah, oo ay ku jiraan Golaha Gobollada Yurub laga bilaabo 2002 illaa 2022.

Doorashadii 2021 lama dooran oo waa laga badiyeyn, sidoo kale doorashadii toddobaadkii hore ma uusan soo bixin. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu helay 245 cod oo shakhsi ah, isaga oo uga mahadcelinaya wuxuu yidhi:

“245-ka cod waxay qalbigayga u qaboojiyaan si la mid ah kumannaan cod oo aan hore u helay.”

Ugu dambeyntii, wuxuu fariin u diray bulshada:

“Iskaashigu waa muhiim si loo gaadho natiijooyin wadajir loo leeyahay. Mararka qaar waa dhib, laakiin dimuqraadiyaddu waa aasaaska. Waxaa jira habab kale oo lagu maamulo dawladda—balse aynu si fiican u dhowrno nidaamkeenna.”

lalakajjap

 

Category