DP World iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka Berbera iyo Ethiopia

Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Itoobiya iyo Berbera ee Somaliland la gashay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qorsheyneyso in maalgashi gaaraya 1 Bilyan oo Dollar ay ku bixiso 10-ka sano ee soo socoto hormarinta kaabayaasha saadka ee marinka.

Shirkadda ayaa sheegtay in mashruucyada la fulinayo ay qeyb ka noqon doonto Dekado qalalan, Bakhaaro leh qaboojiyaal, Konteenaro, Gawaarida xamuulka gudbiya iyo howlaha nadaafadda.

“Waxaan rumaysanahay in horumarinta marinka Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinnada waaweyn ee ganacsiga iyo saadka ay furi doonto faa’iidooyin dhaqaale oo aad u weyn oo ay u leedahay Itoobiya ayna taageeri doonto qorshayaasheeda horumarineed ee hanka leh,” ayuu Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah guddoomyaha iyo madaxa fulinta ee DP World.

mmkjjhi

Itoobiya iyo DP World ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruuca lagu hormarinayo jidka isku xiro Berbera iyo Itoobiya uu noqon doono mid abuuri doono shaqooyin cusub, sidoo kalana uu sababi doono ganacsiyo cusub oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale heshiiska ay saxiixdeyn DP World iyo Itoobiya ayaa waxaa kamid ah in labada dhinac ay abuuraan shirkad wadaag ah oo dhanka saadka ah si ay u fuliso howlaha saadka si guul looga gaaro mashruucaan oo soconayo muddo badan.

DP World ayaa la filayaa inay qabato shaqada adeegyada dhoofinta oo asal ahaan ka imaanayo Itoobiya illaa Dekadda Berbera, sidoo kalana waxaa qeyb ka ah adeegyo alaab looga soo dejinayo Dekadda Berbera lana gaarsiinayo illaa Adis Ababa.

Qoraalka lasoo baxay labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya ay xallin doonto caqabadaha xagga sharciyeynta dhinaca Itoobiya ee marinka Berbera Corridor si ay u fududaato fullinta qorshahaan la isugu furayo ganacsiga Berbera iyo Adis Ababa.

Si loo hubiyo ammaanka xamuulka u kala gudbayo labada dhinac, Dowladda Itoobiya ayaa qaadatay Mas’uuliyadda ammaanka, waxayna marinka ka hirgelin doontaa kaabayaasha IT-ga iyo Qalab casri ah oo awood buuxda u leh hubinta badqabka xamuulka.

Heshiiska waxaa Addis Ababa ku saxiixay Khamiistii Dagmawit Moges, Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya iyo Sultan Bin Sulayem, guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Shirkadda DP World.

Wadada isku xiri doonta Dekedda Berbera iyo Wajaale ee xadka Itoobiya, oo ay maalgelinayso Sanduuqa Abu Dhabi ee Horumarinta iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa la filayaa in la dhammaystiro dhammaadka sannadka 2021, ayaa lagu yiri qoraalka.

DP World, Itoobiya iyo Somaliland ayaa horey u kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo Dekadda Berbera, waxaana heshiiskaas sharci darro ku tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya .

Category