Copenhagen (RH)-Shan ka mid ah 17 qof oo ku dhaawacantay shil ka dhashay labo tareen oo isku dhaacay ayaa xaaladooda laga darinayaa, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga.
Shilka ayaa ka dhacay waqooyiga caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen, waxaana uu keenay waxyeelo soo gaartay labada tareen oo midabkooda kala ahaa jaale iyo cawl ah sida ay ay hay’addaha ammaanku warrameen.
"Labada tareen waxay isku dhaceen fool-ka-fool, taasoo keentay burbur weyn inuu soo gaaro, waxaa jajabay muraayadaha," sidaas waxaa yiri madaxa dab-damiska iyo samatabbixinta Christoffer Buhl Martekilde oo la hadlay warfidiyeenka.
Sidoo kale, afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay billaabeen siddii lagu ogaan lahaa waxa dhaliyay shilka, isaga oo intaa ku daray in baaritaan ballaaran lagu sameyn doono.
Guud ahaan waxaa la aaminsan yahay in labada tareen ay saarnaayeen wadarta 38 qof.
Shilka ayaa dhacay wax yar ka hor 6:30 subaxnimo (0430 GMT), sida booliska ay sheegeen.
Shilka ayaa ka dhacay khadka tareenka ee isku xira magaalooyinka Hillerod iyo Kagerup, sida ay booliisku sheegeen.
Ku simaha ra'iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa la hadashay ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson kadib markii shilka uu dhacay.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalo iyadoo lagu soo daabulay gaadidka gurmadka degdegga iyo diyaarado helikobter ah, sida ay waaxda dab-damiska ku soo qortay boggeeda X.
Shilalka noocan oo kale ayaa naadir ku ah dalka Denmark, waxaana sannadkii horre 2025 uu ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen tareen ku dhacay kale waddada koonfurta dalka.
Radio Hormuud
Studio 1
Copenhagen- Denmark