Djibouti (RH)-Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay kordhin doonto tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah howgalka midowga Afrika ee AUSSOM, sidaas waxaa sheegay ku-simaha wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon.
Hadalkan ayuu ka sheegay ka dib markii maanta oo Arbaca ah ay dowladdaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis ciidan,kaasoo Jabuuti u oggolaanaya in ay kordhiso tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa qallinka kuwada duugay wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, iyo ku simaha wasiirka difaaca dalka Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti ee Hiilwalaal ayaa ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay qayb ka yihiin howgalka midowga Afirka ee Soomaaliya kaasoo soo billowday sannadkii 2007-dii.
Howgalka xasillinta Soomaaliya ayaa billowday horaantii sannadkan, waxaana qayb ka ah ciidamo cusub sida kuwa Masar.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi-Kenya