Hargeysa (RH)-Fannaanka caanka ee da'da yer Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Hallaac) ayaa xaley ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Hargaysa.
Sida ay sheegeen ehelka fannaanka, shilka uu ku dhintay Safwaan Hallac ayaa waxa uu ka dhacay wadadada loo yaqaanno labada boqol ee ku yaalla Hargeysa.
Lama sheegin illaa hadda nooca shil ee ku geeriyooday marxuumka iyo in ay jiraan dad kale wax ku noqotay.
Meydka marxuumka ayaa la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa, sida dhakhaatiirtu sheegeen.
Fannaanka ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana uu ka yimid Qurbaha oo uu dagannaa.
Fannaanka ayaa ka mid ahaa fannaaniinta caanka ah ee da'da yer ee dadku ay jecelk yihiin.
Ehelka fannaanka ayaa sheegay in uu ka tegay xaas balse ma laheyn wax carruur ah.
Maanta ayaa la filayaa meydka fannaanka in lagu aaso magaalada Hargeysa, waxaana geeridiisa ay noqotay mid aad looga naxay gudaha iyo dibadda.
Radio Hormuud
Studio 3
Hargeysa-Somaliland