Faahfaahin kasoo baxeyso qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay dad kale oo badanna waa ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay kolonyo gaadid ah oo marayay wadadda 21-ka October ee agagaarka garoonkii hore ee ciidamada Afisyooni.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay mashquul ahayd waddadan oo ay adeegsadaan gaadidka dadweynaha iyo kuwa ay la socdaan saraakiisha iyo madaxda dowladda.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay shirkad xagga ammaanka ka shaqeysa oo ilaalineysay dad ajnebi ah, waxaana ku dhintay halkaas illaa shan qof.

Faahfaahin kasoo baxeyso qarax weyn ka dhacay Muqdisho

Illa hadda lama sheegin dadka cadaanka ah ee qaraxaas lala eegtay iyo halka ay ka shaqeeyaan.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana laga cabsi qabaa in ay kordhaan tirada dadka ku dhintay.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa laga arkayay gawaari iyo dhismayaal burburay oo goobta ka dhacay, waxaana goobta yaalay jaqafyo ka soo duulay.

Al-Shabaab oo sheegtay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Dhinaca kale, war kooban oo la soo dhigay baraha bulshada ee taageera Al-Shabaab oo laga soo xigtay Idaacadda Al Andunus ee Afka Al-Shabaab ku hadashay ayaa baahisay in Al-Shabaab ay sheegteen qaraxaas, waxa ay sheegeen in ay qof naftiisa biimiyay uu weeraray kolonyo ay la socdeen dad cadaan ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

 

Category