Falanqeyn: Sidee kolding loogu kala codeeyay xisbiyada doorashadii dhacdey todobaadkan

Waxaa diyaariyay: Mohamed-Amiin | Falanqaynta Doorashada

Ku soo dhawaada warbixin gaar ah oo aan diiradda ku saarayno natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday magaalada Kolding. Si la mid ah isbeddelka ka dhacay dalka oo dhan, xisbiyada dhexe ee magaalada Kolding ayaa wejigabax kala kulmay doorashadan, halka xisbiga Dansk Folkeparti uu sameeyay horumar lixaad leh oo lama filaan ah. Sidoo kale, xisbiga Danmarksdemokraterne ee ay hoggaamiso Inger Støjberg ayaa la kulmay dibudhac weyn.

Hoos u Dhaca Xisbiyada Dowladda iyo Soo Kicitaanka DF Dhageystayaal, xisbiyada ku midaysan dowladda wadaagga ah ee Socialdemokratiet, Venstre, iyo Moderaterne ayaa dhammaantood la kulmay hoos u dhac weyn magaalada Kolding. Sidoo kale, xisbiga Danmarksdemokraterne ee Inger Støjberg ayaa dhabar jab xooggan uu soo gaaray.

Dhinaca kale ee siyaasadda, xisbiyada garabka bidix ee SF iyo Enhedslisten ayaa taageero hor leh kasbaday, halka xiddiga doorashadan uu noqday xisbiga Dansk Folkeparti (DF), kaas oo codadkiisa aad u mangedoobay (laba-jibaaray) markii lala barbardhigo doorashadii hore ee sanadkii 2022.

Xisbiga Socialdemokratiet oo wali ah kan ugu weyn In kasta oo uu hoos u dhac ku yimid, haddana xisbiga Socialdemokratiet ayaa weli ah awoodda koowaad ee ugu weyn, isagoo helay 19.9% codadkii laga dhiibtay deegaan-doorashada Kolding Waqooyi, iyo 20.8% deegaanka Kolding Koonfur. Tani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac dhan 4.6% iyo 5.9% siday u kala horreeyaan, marka loo eego doorashadii hore. Isku geyn, xisbigani wuxuu Kolding ka helay 11,396 cod.

Kaalinta labaad waxaa galay xisbiga Venstre oo helay 15.1% (Waqooyi) iyo 14.3% (Koonfur). Waxa uu hoos u dhacay in yar oo ah 0.3% iyo 0.2%, isagoo guud ahaan helay 8,189 cod.

Halka kaalinta saddexaad uu cuskaday xisbiga Liberal Alliance oo isna helay 11.6% iyo 12.2% codadka labada deegaan doorasho.

Xisbiga Moderaterne ayaa isna hoos u dhacay 2.1% labada deegaanba, isagoo sanadkan helay 8.9% dhanka waqooyi iyo 7.5% dhanka koonfur, waxaana uu isku geyn hantay 4,550 cod.

Guusha DF iyo Guuldarrada Danmarksdemokraterne Taas beddelkeeda, xisbiga Dansk Folkeparti ayaa si xawli ah horay ugu soo kacay, isagoo hantay 10% codadka Kolding Waqooyi iyo 11.6% Kolding Koonfur. Tani waa koror lixaad leh oo gaaraya 7.3% iyo 8.5%, waxaana u codeeyay guud ahaan 6,077 qof.

Dhanka kale, xisbiga Danmarksdemokraterne ee Inger Støjberg ayaa la kulmay guuldarro culus, isagoo lumiyay 3.7% iyo 3.9% codadkii uu haystay afar sano ka hor labada deegaan. Xisbigan ayaa kaliya helay 5.0% (Kolding Waqooyi) iyo 6.4% (Kolding Koonfur), iyadoo ay u codeeyeen 3,212 qof oo qura.

Heerka Ka Qaybgalka Dadweynaha Ugu dambayn, marka la eego dadkii u soo baxay in ay codeeyaan, heerka ka qaybgalka doorashada ayaa aad ugu dhow doorashadii hore. Deegaanka Kolding Waqooyi, dadka codeeyay waxay gaareen 82.8%, waana tiro xoogaa ka yar doorashadii hore oo ahayd 83.6%. Halka deegaanka Kolding Koonfur ay codeeyeen 83.4% dadka diiwaangashan, marka la barbar dhigo 83.8% afar sano ka hor.

Waxaa isku soo duba riday qaybta wararka ee Radio Hormuud.

Category