Farmaajo oo markii ugu horreysay ka warbixiyay ciidamadii loo qaaday Eritrea

Muqdisho (RH)-Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ciidamada loo qaaday dalka Eritrea iyo tiradooda.

Isagoo ka hadlayay xaflad uu xilka ku wareejinayay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacday aqalka madaxtooyada qaranka, ayuu Farmaajo sheegay in illaa 5,000 oo ciidamo Soomaali ah ay tababar ku soo dhammeesteen dalka Eritrea, dhawaanna ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Wuxuu sheegay ciidamadaas in ay yihiin tiradii ugu badnaa ee Soomaaliya ciidamo loogu tababaro dibadda, ayna ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynihii horre, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub uu ku wareejiyay galal ay ka buuxaan feelan ay ka mid yihiin guushii laga gaaray dacwaddii badda ee Kenya iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xilka, kadib markii 15kii May looga adkaaday doorashadii ka dhacday teendhada Afistooni oo ay wareegii saddexaad ay ku loolameen doorashada madaxweynaha hadda xilka wareegay Xasan Sheekh oo markii labaad xilkaas qabtey.

Xafladda xil wareejinta madaxweynaha ayaa maalmahan si weyn loo diyaarinayay loona hadal hayay.

Xafladda xil wareejinta Xafladda xil wareejinta FarmaajoXafladda xil wareejinta Farmaajo

Radio Hormuud 

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category