Farmaajo oo soo dhaweeyay heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay khudbad uu jeediyey shacabka kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda arimaha dibadda ee xukuumaddiisa, dhismaha ciidanka iyo shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho ku soo gabogaboobay iyo guud ahaan doorashada Golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay dadaal xooggan gelisay dib u dhiska ciidanka gaar ahaan tababarka iyo tayeynta ciidamada.

“Dadaalladaas iyo qorsheyaashaas aan hirgelinay waxay horseedeen in maanta ciidamadeena geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka uuna gabagabo marayo qorshiihii ay amniga dalka kaga la wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha wuxuu bogaadiyay go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay isla markaana sheegay in ay ka soo baxeen qodobo wax ku ool ah oo looga gudbi karo ismari waaga siyaasadeed ee harreeyay doorashada.

“Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed ka jawaabayo tabashooyinkii laga qabay habasami u socodka doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadihii ku gudbanaa geedi socodka doorashada”

Isaga oo ka hadlayey qaabka loo jaangooyey siyaasadda arimaha dibada ee xukuumadiisa ayaa waxa uu yiri,”siyaasaddeena arrimaha dibadda waxaan ku dhisnay wax wada qabsi, is-ixtiraam dalalka caalamka ah iyo ilaalinta sharafka iyo madaxbanaanida dalkeena, marnaba ma aanay aqbalin in arrimaheena gudaha uu shisheeye soo farageliyo”

Xigasho: BBC

Category