Firdhiye oo loo doortay xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha maamulka waqooyi bari Soomaaliya.

Doorashaddan oo ay isku sharxeen illaa shan musharrax ayaa la isla tagay labo wareeg.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Waqooyi-Bari, Cabdulkadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa ku guulaystay xilka madaxweynaha maamulka waqooyi bari, isagoo xilka hayn doona muddo shan sanno.

Firdhiya oo helay 62 cod ayaa ka adkaaday musharrixii la tartamayay wareega labaad kaasoo ahaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna helay 18 cod.

Labo cod ayaa halaabay sida uu sheegay guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka waqooyi bari, waxaana doorashada maanta codeenayay illaa 82 xildhibaan.

''Madaxweynaheena ama madaxweynaha dowlad gobolleedka waqooyi bari ee shanta sanno ee soo socda Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)'' sidaas waxaa yiri guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka waqooyi bari Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Sidoo kale, waxa ay xildhibaannadu xilka madaxweyne ku xigeenka u doorteen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaanka.

Firdhiye oo horrey labo sanno madaxweyne ku meel gaar ah ka ahaa maamulkii Khaatumo, waxa uu waayahan dambe saaxib dhow lahaa dowladda federaalka.

Waxa uu noqon doona madaxweynaha shanta sanno ee soo socda ka arrimin doona maamulka waqooyi bari, oo maamulkii lixaad ee federaal ah.

Doorashadan ayaa si wayn looga dareemaya xaalka siyaasadeed ee dalka, waxaana soo baxaya warar sheegaya in musharrixiinta qaar ee tartamayay in ay taageero kala duwan ka helayeen Muqdisho, Garowe iyo meelo kale.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Waqooyi Bari

Haddaba waa kuma Cabdiqaadir Firdhiye?

 

Cabdulkadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) waxa uu ku dhashay magaalada Taleex sanadkii 1972. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ee diimeed iyo tan bulshada waxa uu ku qaatay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Waxbarashada sare, Firdhiye wuxuu ku qaatay dalka Kenya, isagoo Jaamacadda Umma ka qaatay shahaadada Culuumta Diinta. Intaas kaddib, wuxuu Jaamacadda Nairobi ka dhammaystay Maamulka Ganacsiga (Business Administration).

doorashada shaley ka dhacday Laasacaanood

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category