
RH: 11-kii Maarso 2024, gabadh 13-jir ahayd ayaa la dilay magaalada Hjallerup ee woqooyiga Jutland, Denmark. Dilkeedu wuxuu argagax iyo murugo geliyay guud ahaan bulshada magaaladaas.
Maanta oo ay tahay Khamiis (19-ka Juun), ayaa maxkamaddu bilaabeysaa dhageysiga dacwadda, iyadoo garyaqaanadda difaacaysa eedeysanaha, Mette Grith Stage, ay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah kiisaskii ugu murugada badnaa ee ay abid la kulanto.
Waa maxay dhacay?
Gabadha yar waxaa si xun loo dhaawacay, waxaana hooyadeed ku heshay meel u dhow xarunta kululaynta magaalada Hjallerup fiidnimadii maalintaas. Waxaa la wacay booliska iyo ambalaas, balse gabadha waxaa la xaqiijiyay iney dhimatay daqiiqado kadib.
Wiil 19-jir ah, oo xilligaas uu falka dhacay ahaa 17-jir, ayaa isla habeenkaas la qabtay, waxaana lagu soo oogay dacwado ah dil, kufsi, iyo xadgudub jidhka maydka ah.
Maxay sheegtay dacwadda?
Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in eedeysanuhu uu gabadha dhulka ku qabtay isagoo jilbaha kaga hayay laabta, isla markaana qoorta uga qabtay si aysan u neefsan karin. Kadib wuxuu ku garaacay wajigeeda dhagax culus oo dhulka yaalay, wuxuuna sidoo kale ku feedhay dhagax qoorta.
Gabadhii yar waxay dhaawacyo culus ka gaartay wajigeeda, maskaxda, iyo dhuunteeda – taasoo keentay iney geeriyootay.
Sidee buu u qiray eedeysanuhu?
Qareenka difaacaya eedeysanaha waxay sheegtay in wiilka uu qirtay dilka iyo xadgudubka maydka, balse uu diiday eedda kufsiga. Waxay sidoo kale sheegtay in eedeysanuhu aad uga murugsan yahay wixii dhacay, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu wajaho ciqaabta uu mudan yahay.
Maxay ahayd xiriirka ka dhexeeyay labada?
Booliska waxay sheegeen in gabadha iyo wiilka uu horay xiriir jaceyl ula lahaa, laakiin ay kala tageen wax yar ka hor inta aan la dilin.
Maxaa ka socda hadda?
Dacwadda waxay socon doontaa ilaa 4-ta July 2025, waxaana la filayaa in markaas la go’aamiyo ciqaabta. Xeer-ilaalintu waxay doonaysaa in wiilka lagu xukumo xadhig aan waqti lahayn (forvaring), taasoo macnaheedu yahay in lagu hayo xabsiga ilaa khatarteeda laga waayo.
Sidoo kale, eedeysanaha waxaa lagu haystaa kiis kale oo kufsi ah oo la xiriira gabar 14-jir ah.
Waa dhacdo xanuun badan oo ay dhibane u tahay gabar yar oo weli caruurnimo ku jirtay, waxaana bulshada laga doonayaa iney u duceeyaan qoyska gabadha.