Gabar Soomaali ah oo ka mid noqotay baarlamaanka dalka Norway

Oslo (RH)-Mayan Cabdi Xuseen oo aha gabar Soomaali ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Afrikan ah muslim ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka waddanka Norway.

Maryan ayaa markii ay guuleysatay sheegtay in ay siyaasadda u gashay siddii ay wax ugu qaban lahayd bulshada madow ee ku nool dalka Norway gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Waxa ay sheegtay mar haddii ay timid madasha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka Norway in ay wax badan ka qaban doonto xaaladda Soomaalida iyo kuwa afrikanka ah ee ku nool dalkaas.

"Waxaa u galay siyaasadda markii aan arkay in bulshadeena ay u baahan tahay in aan badino siyaasadda iyo in ay jirto baahi aan u qabno in dalkan aan ka dhex muuqano"ayey tiri Maryana Cabdi.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Marayn Cabdi Xuseen,

Maryan waxa ay sheegtay in degmada looga codeeyay ay ku taallo caasimadda Oslo ayna ku nool yihiin Soomaali badan.

Waxa ay sheegtay in xisbiga ay ka tirsan  tahay ee hanti wadaaga dhinaca bidix uu yahay mid Soomaali badan ay taageertay.

Dad badan oo Soomaali ah oo isugu jira siyaasiin aqoonyahanno iyo dad kale oo isticmaala baraha bulshada ayaa Maryam ugu hambalyeeyay guusha ay gaartay.

Waxaa ka mid ah siyaasiinta hambalyada u diray Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali khayre, oo muddo badan ku noolaa dalka Norway oo ay hadda Maryam ka mid noqtay baarlamaankiisa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category