Galmudug oo noqotey maamul gobolleedkii ugu horreeyay ee qabta Doorashada Aqalka Hoose

Muqdisho (RH)-Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo gobolka Galgaduud, waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacday doorashada xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday mar kale doorashada xildhibaannada ka soo galaya gobollada waqooyi, waxaana maanta la qabtay hal doorasho oo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud, waxaana natiijada kursigaas ku soo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan oo helay 65 cod.

Maamulka Galmudug ayaa maanta soo saaray xildhibaannadii ugu horreeyay ee maamulkaas ku matali doona aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in doorashadaas ay noqon doonto siddii ay u billaabatay.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar

Si kastaba,Galmudug ayaa noqotay maamul gobolleedkii ugu horreeyay ee billaabay doorashada golaha shacabka, marka la eego maamul gobolleedyada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ahayd in maanta lagu doorto labo kursi, waxaana ku tartamayay labo xildhibaan oo kala ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka ee waqtigiisa uu dhammaaday Mahad Cabdalla Cawad oo muddo dheerna ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya iyo gabar la yiraahdo Shukri Cali Faarax.

Ergada codeeneysay oo ahaa 101, waxaana 84 ka mid ah ay codkooda siiyeen Mahad Cabdalla Cawad,oo hadda ka mid noqonayaa baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya.

Shukri Cali oo la tartamaysay Mahad Cawad ma helin wax cod ah, waxaana cilad ay ku timid 17 cod, sida guddiga doorashada heer federal iyo kuwa maamulka Galmudug ay sheegeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category