Guddoomiye Ciro Oo Shaaciyey Inuu Mar Kale U Taagan yahay Jagada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro)ayaa maanta shaaciyey inuu mar kale yahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.isla markaasina  ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo lagu wado in inuu Magaalada Hargeysa ka qabsoomi doono 30/10/2021 ka .

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu goordhaweyd soo-saarey waxaanu u dhignaa sidan:-

"Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. GUUL."ayuu qoraalkiisa ku yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI

 

Hadaba qoraalkan uu soo-saarey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii u dambeeyey aad loo hadal hayay in marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku wareejindoono xubin ka mid ah Hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI,waxayna taasi u muuqataa in damaca arintaasi maanta meesha ka baxay.

Category