Gudoomiyaha garabka bidix ee Enhedslisten Mr. Pelle Dragsted ayaa warbaahinta la wadaagay guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wada-hadalladii dhismaha dowladda oo qaatay muddo 10 usbuuc ah. Wuxuu sheegay in xisbigiisu uu fuliyay dhammaan ballanqaadyadii uu u sameeyay codbixiyayaasha. Hoos ka akhriso qodobada uu ku dhawaaqay.
Bayaanka Rasmiga ah:
"Waxaan si adag u wada-hadalnay muddo 10 usbuuc ah. Haddana waxaan si dhab ah u fulinaynaa dhammaan ballanqaadyadii aan u samaynay codbixiyayaasha.
• Marka Koowaad (Daryeelka Ilkaha): Waxaan daryeelka ilkaha ka dhigi doonaa mid bilaash u ah dhammaan shacabka Denmark. Sannadka dambe ayaan durba ka bilaabaynaa dadka hawlgabka ah, dadka qaba xanuunnada raaga, iyo dadka jilicsan. Kadibna waan sii ballaarin doonaa illaa aan ugu badnaan 10 sano gudahood kaga dhigno daryeelka ilkaha mid bilaash u ah dhammaan shacabka.
• Marka Labaad (Canshuurta Cuntada): Waxaan horay u sheegnay in aan dhimayno kala bar canshuurta iibka (moms) ee saaran cuntada guud ahaan, isla markaana aan si buuxda uga qaadi doono khudaarta iyo miraha. Taas hadda si buuxda iyo si dhammaystiran ayaan u xaqiijinay.
• Marka Saddexaad (Gaadiidka Dadweynaha): Weli ma aanan dhammeyn. Waxaan ballanqaadnay in aan yareyn doono qiimaha tikidhada basaska iyo tareennada, laakiin xitaa intaas waan kasii gudubnay. Dhowaan waxay noqon doontaa mid si buuxda ugu bilaash ah dhallinyarada iyo carruurta ilaa 22-jirka ah inay raacaan basaska iyo tareennada guud ahaan dalka Denmark oo dhan.
• Marka Afaraad (Guriyeynta): Waxaan sheegnay in aan xaqiijin doono guryo badan oo kiroodkoodu jaban yahay, oo dadku ay iska bixin karaan. Hadda waxaan bilaabaynaa dhismaha kumanaan guryo dowladeed ah oo aan faa'iido-doon ahayn. Sidoo kale, tallaabo ku cusub dalka, waxaan shirkadaha guryaha dowladda siinaynaa xaq mudnaanta koowaad ah (forkøbsret) si ay u iibsadaan guryaha gaarka loo leeyahay ee suuqa la soo geliyo.
Gunaanad: Waxaan ololahan doorashada dhexdiisa soo jeedinay hal shuruud oo kama dambays ah: Haddii dowlad lagu dhisi doono kuraasta xisbiga Enhedslisten – oo aan noqonayno aasaaska baarlamaan ee dowladdaas – waa in ay ka go'naato dhimista sinnaan la'aanta Denmark. Dowladdan cusubna arrintaas si cad ayay ugu dartay aasaaska heshiiskeeda dowladeed."