Guriceel oo degmo laga dhigay.

Guriceel (RH)-Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah degmo u aqoonsaday Guriceel kadib markii golaha wasiirada Galmudug ay soo gudbiyeen hindise ay doonayeen in Guriceel degmo loogu aqoonsado.

Waxaana hindisahan horgeeyay baarlamaanka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug si loo soo dhameystiro habraaca degmada Guriceel kaas oo hore ay u meel mariyeen golaha wasiirada.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug oo badi degaan doorashadoodu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel.

Degmada Guriceel ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa ku dagaallamay ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare naf iyo maal.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category