-
Dawladda Denmark oo dacwad culus kusoo oogtay haweeney 28-jir ah oo horay looga soo celiyay xeryaha Suuriya.
-
Xeer-ilaalinta oo sheegtay in haweeneydan ay qaadatay tababar hubaysan, xiriirna la lahayd kooxda Daacish.
-
Qareenka haweeneydan oo beenisay eedeymaha, sheegtayna in xaalado adag ay soo martay.
Faahfaahinta Warka:
Dowladda Denmark ayaa shaacisay in haweeney 28-jir ah, taasoo sanadkii hore laga soo daad-gureeyay dalka Suuriya, ay hadda wajaheyso dacwado la xiriira inay tababar hub u qaadatay si ay u fuliso falal argagixiso oo ay ugu adeegayso kooxda Daacish (IS).
Sida ay baahisay Xeer-ilaalinta dalka Denmark maalintii Jimcaha, haweeneydan ayaa lagu eedeeyay inay u safray dalka Suuriya sanadkii 2014-kii si ay uga mid noqoto kooxda Daacish.
Jakob Berger Nielsen, oo ah Xeer-ilaaliyaha kiiskan, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri:
"Waxaan aaminsanahay inay jiraan cadeymo muujinaya in haweeneydan 28-jirka ah ay ogolaatay in la qoro oo ay tababar ka qaadatay kooxda Daacish. Sidoo kale, doorkeeda ah iney xaas u ahayd xubno ka tirsan kooxdaas iyo inay guri-joogto u ahayd ilmo yar, ayay qeyb uga qaadatay horumarinta howlaha kooxda argagixisada ah ee aagga colaaddu ka jirtay ee Suuriya."
Haweeneydan ayaa bishii October ee sanadkii hore laga soo saaray xerada Al-Roj ee dalka Suuriya, iyada iyo wiilkeeda oo 8-jir ah. Isla markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Denmark ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwadan.
Asalkeeda iyo Dhalashada: Warbixintu waxay intaa ku daraysaa in haweeneydan ay ku dhalatay dalka Denmark, balse ay u guurtay dalka Ingiriiska (UK) markii ay 5-jir ahayd, halkaas oo ay ku noolayd ilaa ay qaangaar ka noqotay, kadibna u safray Suuriya.
Sanadkii 2020-kii, dowladda Denmark ayaa kala noqotay dhalashada dalkaas, maadaama ay haysato dhalashada Soomaaliya. Dowladda Denmark ayaa markii hore diidanayd inay soo celiso haweeneydan, iyagoo doonayay inay soo qaadaan wiilkeeda oo kaliya oo dhalashada Denmark haysta. Balse, Maxkamadda Sare ee dalkaas ayaa xukuntay in kala-geynta hooyada iyo wiilkeeda ay tahay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, taasoo keentay in labadoodaba la soo daad-gureeyo.
Difaaca Qareenka: Qareenka u doodaya eedeysanaha, Mette Grith Stage, ayaa wakaaladda wararka ee Ritzau u sheegtay in macmiilkeedu ay iska fogeysay dhamaan eedeymaha loo haysto.
Qareenka ayaa tiri:
"Waxeey ahaayeen sanado aad u adag oo ay soo martay – marka hore waxay ku jirtay xerada Suuriya, haddana waxay ku jirtaa xabsi. Waxay rajeynaysaa in kiiska la guda galo si ay isku difaacdo."
Kiiskan ayaa la filayaa inuu socdo muddo todobo maalmood ah, iyadoo dhageysiga dacwada la bilaabi doono 15-ka bishan December. Xukunka kama dambeysta ah ayaa la filayaa inuu soo baxo dhamaadka bisha January ama horraanta bisha February ee sanadka soo socda.
Radio Hormuud, Xarunta Wararka ee Kolding