hooyo saddex jeer in barnevogn laga xaddey sheegtay ayaa lagu xukumay khiyaano”

RH Kolding: Maxkamadda Kolding ayaa xukun ku riday hooyo 26 jir ah oo ku nool Lunderskov, kadib markii saddex jeer oo kala duwan ay u gudbisay shirkadaha caymiska warbixino ku saabsan barnevogn “laga xaday”.

Haweeneyda ayaa ku dooday in ay sameysay khaladaad bini’aadmi ah, balse maxkamaddu taas ma oggolaan. Waxaa lagu helay dambiga laba kiis oo khiyaano ah iyo laba warbixin oo been abuur ah, halka mid ka mid ah kiisaskii hore lagu waayay.

Kiisaska ugu culus waxay dhaceen 2022 iyo 2023, halkaas oo ay haweeneydu caymis   ugudbisay  kiis  magdhow  oo hore ay uga heshay caymis hore iyada oo isticmaalaysa rasiidhada ay ku heshay magdhowgii hore ,  caymiska hore ee lacagta siiyay ayaa ahaa GF, markii ay lacagta magdhowga heshay ayay u guurtay Tryg oo ay isagana u sheegtay in gaadhigii ilmaha laga xadey iyada oo cadeyn ahaan ugu dirtay rasiidhadii ay ku heshay magdhowgii hore, caymiskii ayaa baadhitaan sameeyay waxaanu ogaadey in ay rasiidhadan hore magdhow ugu heshay haweenaydu kadib ayey booliiska ka dacweeyeen.

Xeer-ilaalintu waxay sheegtay in ay ahayd “hab degdeg lacag lagu sameeyo”.

Maxkamadduna way ku raacday.

Xukunka:

60 maalmood xabsi shuruudaysan

80 saacadood adeeg bulsho

In ka badan 8,000 DKK oo magdhow ah

Iyo bixinta kharashaadka dacwadda

 

Kiiska saddexaad—oo ku saabsan barnevogn la sheegay in laga xaday sommerhus ku yaalla Mariagerfjord—waa lagu waayay, maadaama aan la caddeyn.

Hooyada ayaa aqbashay xukunka.

Category