Isbeddellada Muhiimka ah ee Denmark

RH: Ku soo dhawaada wararka todobaadkan iyo maxaa kucusub wadanka Denmark.

1. Sharciga Isdhexgalka oo La Adkeynayo

Dowladda Denmark waxay waddaa dadaallo ay ku adkeyneyso sharciyada la xiriira deggenaanshaha joogtada ah (permanent residency). Sharciga cusub ee la soo jeediyay wuxuu ka dhigayaa qofka ajnabiga ah inuu buuxiyo shuruudo adag oo xagga isdhexgalka ah si uu u helo deggenaansho joogto ah ama dhalashada dalka. Shuruudahan waxaa ka mid ah in la muujiyo heer sare oo aqoonta luqadda Danish-ka iyo ka-qaybqaadasho firfircoon oo ku aadan bulshada dhexdeeda.

2. Xakamaynta Soogalootiga

Waxaa weli socda wada-xaajoodyo ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa tirada dadka magangalyo doonka ah ee yimaada dalka. Xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa ka doodaya qaabab cusub oo lagu yareyn karo imaatinka qaxootiga, iyada oo ay suurtagal tahay in la soo rogo sharciyo cusub oo xaddidaya magangalyo siinta.

3. Soo Dhaweynta Xirfadlayaasha Shaqada

Inkasta oo la adkeynayo sharciyada qaxootiga, Denmark waxay u baahan tahay xirfadlayaal shaqo oo ajnabi ah, gaar ahaan qaybaha ay ka jiraan boosaska bannaan sida caafimaadka, tignoolajiyada iyo injineeriyada. Sida laga soo xigtay warbixinnada suuqa shaqada, shaqo la'aantu waa ay sii yaraanaysaa. Dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay waxay iska kaashanayaan sidii loo soo jiidan lahaa shaqaale caalami ah si loo buuxiyo baahida suuqa shaqada.

4. Fursadaha Suuqa Shaqada

Wasaaradda Shaqada iyo Ganacsiga ayaa soo saartay qorsheyaal lagu fududeynayo in dadka ajnabiga ah ay si degdeg ah shaqo uga helaan dalka, iyadoo la xoojinayo nidaamyada sharciga shaqada (work permits) iyo aqoonsiga shahaadooyinka.

Category