Jigjiga iyo deeganno kale oo maanta laga billaabayo diiwaangalinta doorashada DDSI

Jigiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida waxaa maanta oo Arbaca ah ka billaabaneysa diiwangalinta doorashada ka dhaceysa dowlad deeganka kadib markii shaley guddiga doorashooyinka Itoobiya uu shaaciyay in lagu celin doono doorashada codbixinta lix degmo iyo labo maamul magaalo.

Arrintan ayaa dambeesay kadib markii guddiga doorashada Itoobiya ay soo gabagabeeyeen baaritaano ku aadan cabasho ka timid xisbiyada mucaaradka deeganka oo sheegay in goobaha qaar doorashada ay ka dhaceyso la musuq maasuqay, waa sida hadalka u dhigeen.

Guddiga ayaa sheegay in dib loogu celin doono qeybta kaararka codbixinta iyo nidaamka diiwangalinta illaa lix degmo iyo labo magaalo maamul gobolleed.

Degmooyinkaas waxaa ka mid ah Shabeelley, Hareys, Tulli Guuleed oo hoostaga gobolka Faafan,Jigjiga iyo Qabri Dahar oo ka tirsan gobolka qoraxeey iyo labo oo ku yaal gobolka Siti oo kala ah Afdam iyo Ma'ays iyo degmooyinka Beercaano, Iimeey Bari, Wardheer iyo  Godey Gacallo.

Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Arbaca ah la billaabi doono diiwangalinta codbixinta degmooyinkaas iyo qeybinta kararka codeynta kuwaasoo socon doona illaa 10 bishan September.

Doorashada deeganka Soomaalida ayaa la filayaa in la qabto 30-ka bishan taasoo ah heer deegan iyo mid dalka Itoobiya ah.

Tallaabada guddiga doorashada ayaa ku soo aadeysa iyadoo xisbiyada mucaaradka ayahorrey ugu gudbiyeen guddiga cabasho la xiriirta hannaanka codbixinta doorashada.

Si kastaba, go'aanaka guddiga doorashada waxaa ku gacan seeraray oo durba ka falceliyay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka waxaa ka mid ah xisbiga sinnaanta iyo xorriyadda oo ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn dowlad deeganka Soomaalida.

Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu qaadacay doorashada la qabanayo dhammaadka bishan September.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category