Jiim Sheekh Muumin oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah ku geeriyooday fannaanka iyo kabaniistaha caanka ah ee Jiim Sheekh Muumin, kaasoo la sheegay in ay da’diisa ahayd 75 sanno.

Marxuumka ayaa la sheegay in waayahan dambe uu ku xanuusanayay magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka mid ahaa ragga ku wanaagsan garaacista kabanka marka laga hadlayo fanka Soomaaliya.

Waxa uu ka tirsanaa kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiran sannadkii 1940-kii, waxaana uu ka mid ahaa fannaaniinta fara ku tiriska ah ee dalka aan ka bixin intii colaadda ay socotay 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category