Kismaayo (RH)-Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaallada ka socda gobalka Gedo, gaar ahaana magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa lagu sheegay dagaallada ka dhacay labada magaalo in ay ka dambeeso dowladda federaalka laguna rabo in lagu wiiqo amniga iyo maamulka Jubbaland oo halkaas ka arrimiya.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jubbland ay fashilisay weerar dowladda ku soo qaadday degmada Doolow, oo u dhow xududuudka Ethiopia.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baladxaawo, ayaa haatan ku wartamaya inuu socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata maamulka Jubbaland oo dhowaan qabsaday xarunta degmada iyo saldhigga booliska magaalada.
Baladxaawo oo dadweyneheedii ay horay u barakeceen ayaa u muuqata furin dagaal siyaasadeed oo ay ku hardamayaan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka oo ku aadan dagaalladan.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia