Khasaaraha Rasmiga Ee Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH):-Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay roob xoogan oo shalay iyo xalay ka da’aayey magaalada Hargeysa,Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa  fidiyay gurmad kala duwan kaasi oo iskugu jiray Badbaado dad , Gaadiid iyo Guryo.

Hawlgaladan ayaa ka kala dhacay Guryaha, Dooxyada iyo Biyo mareenada ku yaalla degmooyinka Maxamuud Haybe , Maxamed Mooge , 31 May iyo Gacan-Libaax

Waxaa daadadkaasi ka dhashay roobabakaasi ka da”ay magaalada hargeysa laga soo badbaadiyey 172 Qof.kuwaasi oo ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwani

Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyey Gaadiid kala duwan iyagoo biyaha Dooxu sitaan  kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 3 Gaadhi.

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa u gurmaday 68 Guri oo daadku gudaha u galay oo uu waxyeelo soo gaadhsiiyey,Waxaana uu daadku la tegay : 12 Gaadhi.

Ma jirin dhimasho oo ka dhalatey roobabakaasi ka da’ay gudaha magaalada Hargeysa.

 

 

Category