
RH: Malmö: Khubaro dhanka socdaalka ah, siyaasad-dejiyayaal, tirakoob-yaqaano iyo cilmi-baadhayaal xogta ku takhasusay ayaa isugu yimid magaalada Malmö ee dalka Iswiidhan, si ay uga qayb qaataan Shirka Afaraad ee Caalamiga ah ee Tirakoobka Socdaalka (IFMS) oo socda inta u dhaxaysa 16 ilaa 18 Juun.
Shirkan ayaa ah madal lagu wadaago aqoon, khibrad iyo habab cusub oo lagu horumarinayo ururinta xogta socdaalka, si loo fahmo saameynta uu ku leeyahay bulshada. Sannadkan diiradda waxaa la saarayaa arrimaha jinsiga la xiriira socdaalka iyo sida loo adeegsan karo teknoolojiyado cusub sida xogta weyn (Big Data) iyo sirdoonka macmalka ah (AI) si si sax ah loo daba-galo dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
Ugochi Daniels, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa tiri:
“Dhib kasta oo tirakoob ahi, waxaa ka dambeeya sheeko bini’aadanimo. Tan iyo 2014, in ka badan 72,000 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey intii ay safarkooda ku jireen – taasoo muujinaysa halista jirta. IFMS waxay fursad u tahay in khubarada adduunka ay isugu yimaadaan si siyaasadaha socdaalka loogu saleeyo xog dhab ah oo badbaadin karta nolosha dadka.”
Sannadkan, shirka wuxuu si gaar ah u iftiiminayaa hirgelinta talooyinka cusub ee Qaramada Midoobay ku saabsan Tirakoobka Socdaalka Caalamiga ah iyo Dhaqdhaqaaqa KMG ah, kuwaas oo markii ugu horreysay si rasmi ah u kala saaray socdaalka joogtada ah iyo socdaalka ku meel gaarka ah. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu wanaajinayo sida dunidu u fahanto uguna warbixiso socdaalka.
Muddada saddexda maalmood ah, khubarada waxay ka wada hadli doonaan lix mowduuc oo muhiim ah – laga bilaabo saadaasha socdaalka, ilaa sida xogtu uga mid noqon karto qorshaha siyaasadda. Waxaa sidoo kale lagu muujin doonaa sida xogta dhabta ahi uga caawin karto waddamada inay horumariyaan waddooyin sharci ah oo socdaal ah, isla markaana meesha looga saaro wararka beenta ah ee ku saabsan muhaajiriinta.
Stefano Scarpetta, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee OECD, ayaa yiri:
“Shirkan wuxuu si toos ah uga jawaabayaa Ujeedada 1aad ee Heshiiska Caalamiga ah ee Socdaalka: in la xoojiyo saldhigga caddeynta socdaalka caalamiga ah, lana helo xog tayo leh oo la isu barbar dhigi karo.”
Bjørg Sandkjær, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN DESA), ayaa sheegtay:
“Khubarada halkan isugu timid waxay door muhiim ah ka ciyaarayaan in la hubiyo in fikradaha laga qabo socdaalka ay la jaanqaadaan xaqiiqda.”
Shirkan IFMS 2025 wuxuu sidoo kale ku beegan yahay Maalinta Caalamiga ah ee Xawaaladaha Qoysaska, waxaana si wadajir ah u qabanqaabiyey OECD, IOM, iyo UN DESA, iyadoo ay taageerayaan Jaamacadda Malmö iyo Dowladda Iswiidhan. IFMS wuxuu sii ambaqaadayaa guulihii shirarkii hore ee ka dhacay Paris (2018), Qaahira (2020), iyo Santiago (2023).
Kulammada guud ee shirka waxaa si toos ah looga daawan karaa bogga internetka ee:
🌐 http://www.oecd-events.org/ifms2025
Radio Hormuud, wararka qurbaha iyo qurbajoogta.